DEG DEG: DHAGEYSO:- Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeyn Ka Wada Deegaanno Ka Mid Ah Gedo.

0

Wararka haatan naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn ka wadaan deegaanno ka mid ah gobalkaasi.

Duqeyntaan ayaa bilaabatay abaare 11-kii Subanimo ee saaka, illaa iyo haatanna waxa ay duqeynta ku socotaa deegaano ay degan yihiin dad xoola dhaqato u badan.

Tuulooyinka duqeynta ku socoto ayaa ku dhaw degmada Baladxaawo, lamana xaqiijin karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Dhinaca kale duqyntaan dhanka cirka ah waxaa barbarsocota duqeyn xagga dhulka ah oo ciidamada Kenya ka geysanayaan halkaasi, iyadoo sababta ka dambeysa tani aan la ogeyn.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halka duqeymaha ka socdaan ayaa sheegay, in dadkii deganaa Tuulooyinka la duqeynayo ay naftooda la baxsadeen, islamarkaana ay gaareen deegaanada kale ee nabdoon.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Halkaan Hoose ka dhageyso: