TOP DHAGEYSO:- Wasiirka Dekadaha Gal-mudug Oo Ka Warbixiyay Faa’idada Ku Jirta Dib u Holwgelista Dekadda Hobyo.

0

Wasiirka Dekadaha Iyo Kheyraadka ee Gal-mudug Cabdiqaadir Cabdi Jaamac Qalabxoor ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay faa’idada ku jirta in dib loo shaqo geliyo dekadda degmada Hobyo ee gobalka Mudug.

Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta Muqdisho, waxa uu sheegay in faa’ido ballaaran ay ku qabaan shacabka degan gobalada dhexe dekadda degmada Hobyo oo dhawaan shaqo bilawday.

“Waxa ay kusoo kordhin kartaa wax badan, inta ay shaqada socotay oo kaliya waxaa ka faa’idaya Kun qoys iyo ka badan sida Xamaaliga, Bakhaarkla Doonyaha, ma ahan oo kaliya fa’idada dadka xeebta jooga ee gobalada dhexe oo dhan dadka degan ayaa ka faa’idaya, waayo hadii badeecadii usoo mari jirtay 700 Km iyo ka badan uu gurigiisa ka helo, aad iyo aad ayaan Ugu boorineynaa ganacsatada oo waxaan leenahay maalgashi sameysta” ayuu yiri wasiir Qalab Xoor.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay wasiirka in dhankooda ay sugi doonaan amaanka guud ee degmada Hobyo, islamarkaana ay ganacsatada ka caawin doonaan in hantidooda ay nabad hesho.

Dhawaan waxaa dib u shaqo bilawday dekadda degmada Hobyo ee Gobalka Mudug, waxaana halkaasi kusoo xiratay doonidii Labaad oo ganacsato Soomaaliyeed u rarneyd.

Halkaan Hoose ka dhageyso: