(TOP DHAGEYSO) Cabdiftaax Xaaji Aadan " Puntland Ma Xukunto Dad Gaar Ah"

0

Maxkmada Ciidamada Ee Maamulka Puntland ayaa 3 Nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ku toogatay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda Ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay Maanta Xukunno Dil Ah Ku Fulisay Sedax Ruux oo ay ku Eedeysay Al-shabab Nimo

Sedaxdaani Ruux ayaa waxaa la sheegay in ay ka Tirsanaayeen al-shabab Iyadoo ay falal Amniga Lidi ku ah Ka Geysteen Gudaha Maamulka Puntland.

Xaaji-aadan

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Dambiyadda Culus Ee Maamulka Puntland Cabdifaax Xaaji Aadan ayaa waxaa uu sheegay in ay Ragaani ka Tirsanaayeen Al-shabab Iyadoo Lagu Helay sida uu Yiri Danbiyo an kusoo Oogtay Xeer Ilaalinta Maamulkaaas, Walo Uu beeniyay in Dadka Ka Soo Jedda Goboladda koonfureed si gaar ah Loo Ugaarsado.

Hoos ka dhageyso.