Wasaarada amniga ee dawladda Puntland waxay maanta si buuxda laamaheeda amniga u fuliyeen dil toogasho ah oo lagu xukumay xubno dambiilayaal ah oo ka tirsanaa oo ahaa saddex qof.
1: Maxamed Cabdi Axmed oo la baxay ” Olol”
2: Xaajow Shiikh Nuur Cismaan oo la baxay ” Shiishaan”
3: Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac oo la baxay ” Rabbiile”
Xubnahaas oo dhammaantood ay ku caddaatay inay xubin ka ahaayeen Ururka Al-shabaab islamarkaana Maxkamada ciidanka Puntland ay ku cadaysay dambiyada ay gaysteen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-3-2015 waxaa lagu tooktay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri ee Dawladda Puntland.
Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore Ayaa Maanta Saxaafadda Kula Hadlay Magaaladda Garowe ayaa sheegay in Dadkaan Sharciga La Marsiiyay Sida Uu Sheegay.
Hoos ka dhageyso: