Ergooyinka ku Shirsan Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa beeniyay war Shirkaasi Dib u Heshiisiinta laga baahiyay oo ahaa in ay ka qeyb galayaan Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo Gogashiisu ay taalo Magaalada Cadaado.
Prof. Maxamuud Toorbeero oo ka hadlayay Warar laga baahiyay Shirka Dib u heshiisiinta ee Magaalada Dhuusamareeb ka socda ayaa beeniyay in Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka dib u heshiisiinta ay isku raaceen in ay ka qeyb galaan Shirka Maamul u sameynta ee lagu qabanayo Magaalada Cadaado.
Prof. Maxamuud ayaa Wararkaasi ku tilmaamay kuwo Been abuur ah oo Xaqiiqda ka Fog islamarkaana aysan xiligaan u muuqan Ifafaalo muujinaya in ay Shirkaasi ka qeyb galaan sida uu yiri.