TOP DHAGEYSO:- Gudoomiye Caydiid Ilka Xanaf “Madaxweynaha Awood Uma Lahan In Uu Kala Diro Golaha Adeegga Garsoorka” (Wareysi Gaar Ah).

0

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aanu wax awood ah u lahayn inuu kala diro golaha adeegga Garsoorka ee dalka.

Gudoomiyaha oo u waramayay Warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in aanay jirin meel madaxweynaha awood u siinaysa inuu kala diro Seddaxda gole ee dowladda Midkood.

“Anaga sida aynu qabno meel madaxweynaha awood usiinaysa inuu kala diro Seddaxda gole mid ka mid ah ma jirto, kuwaa oo kala ah golaha adeegga Garsoorka, golaha wasiiradda iyo Golaha baarlamaanka” ayuu yiri gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Gudoomiyaha mar aynu wax ka weydiinay cidda awoodda u leh kala dirista golaha adeegga garsoorka ayuu ku sheegay in dhammaantood aan hal mar la kala diri karin oo mid walba marka hore la keeno qofka lagu bedalayo.

“In la kala diro maba ahan, mid walba cidii bedali lahayd markii la keeno ayeey iska tagaan kuwii hore, waxay ahayd in la’isugu yimaado wasaaradda cadaaladda, golahaan waxaa ka mid noqonaya 9 qof, afar qof shacabka ayeey ka imaanayaan, golaha wasiirada ayaa baarlamaanka u gudbinaaya, cid walba waxbay ku leedahay sida wasiirada, baarlamaanka, marka cid wax laga weydiiyay arintaan ma jirto”

Dhinaca kale Ilka Xanaf ayeeynu wax ka weydiinay cidda isaga ka gudoomiye ahaan xilka ka qaadi karto, waxaana uu sheegay in ay soo jeedinayaan golaha adeegga Garsoorka, ka dibna saxiixa dambe uu leeyahay madaxweynaha.

Ilkaxanaf ayaa sheegay in loo baahan yahay Garsoorka in uu madax banaanaado, hase ahaatee ay jirto fara gelin cad oo lagu hayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha ayaa ku celceliyay in aanay waxba ka jirin kala diristii madaxweyne Xasan Sheekh ee golaha adeegga Garsoorka, islamarkaana ay haatan si caadi ah shaqadooda u wataan.

Ugu dambeyn mar aynu su’aalnay gudoomiyaha Maxakamadda sare ee dalka Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf wada shaqeynta kala dhaxeeya Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayuu sheegay in aanay jirin wax wada shaqeyn ah oo Xeer Ilaaliyaha la leeyihiin

“Xeerilaaliyaha nooma yimaado nalama shaqeeyo, madaxweynaha ayuu la shaqeeyaa, shaqada wey socotaa oo xeerilaaliye ku xigeenka ayaa jooga, isaga ma uusan soo marin golaha adeegga Garsoorka” Ilka Xanaf ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu kala diray golaha adeegga Garsoorka dalka, taasi oo ay kahor yimaadeen golahaasi iyo gudoomiyaha Maxkamada sare.

Halkaan Hoose ka dhageyso wareysiga Gudoomiyaha Maxkamadda sare.