Kulankan gaarka ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya oo uu shir gudoominaayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali ayaa waxaa looga hadlaaya sida loo hirgelinaayo qorshiyaasha u degsan dhamaan Wasaaradaha xukuuumadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhowr arimood oo ay kamid tahay qorshaha hada horyaala Xukuumadda,hirgelinta hiigsiga sanadka 2016-ka iyo dardargelinta dhamaan howlaha loo idmaday xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa Wasiir kasta lagu wargeliyay in qorshaha boqolka maalin ee Wasaaradiisa uu u soo gudbiyo Wasaaradda Qarsheynta iyo Iskaashiga caalamka.
Kulankan maanta u furmay xubnaha golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beri lagu wadaa in la soo geba gebeeyo sida uu qorshuhu yahay, waxaana qodobada looga hadli doono kamid ah xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka iyo xafiisyada dhamaan Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso Wareysiga Wariye Jogga Goobta Oo Ka warbixinaya Shirka.