Maamulka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa digniin u diray dhaqaatiirta ku sugan magaaladaasi, gaar ahaan dadka leh goobaha dawooyinka lagu iibiyo.
Duqa Magaalada Baladweyne Cumar Baadiyow oo saxaafadda kula hadlay xarunta degmadaasi ayaa u sheegay dhaqaatiirta in laga doonayo in ay taxaddar ka muujiyaan daawooyinka ay dadka u qorayaan.
Waxa uu sheegay Baadiyow in ay jiraan dad iyaga oo aan aqoon lahayn furtay goobo caafimaad, daawooyin ay qoreenna dhibaato ay kasoo gaartay dad shacab ah.
Cid walba ayuu sheegay in lala xisaabtami doono, islamarkaana aan la aqbali doonin qof aan aqoon u lahayn howsha dhaqtarka iyo daawooyinka uu qorayo in uu shaqeeyo ama xarun caafimaad iska sameysto.
Waxaa soo batay saameyn badan oo dhanka daawada ah, ka dib markii la sheegay in dad ay ku waxyeeloobeen daawooyin si qaldan loo siiyay.
Halkaan Hoose ka dhageyso: