Guddoomiye Muungaab 24 Sanno Kadib waxaa Ku Lugeeyay Waddo Laami ah+SAWIRO.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen MUUNGAAB ayaa maanta ku dhex lugeeyay wado laami casri ah oo uu dhisay maamulka gobolka Banaadir oo aan kaashaneynin wax hay’ado ama dalal shisheeye ee dibadda.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen MUUNGAAB guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay tallaabada maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya qaar kamid ah ganacsatada ku nool Caasimadda Somalia ay ku dhiseen waddo Laami casri ah oo ay ka hirgaliyeen Magaalada Muqdisho ay muujinayso in dadka Gobolka Banaadir ku nool ay yihiin dad wax qabsan kara.

Guddoomiye Muungaab oo ay wehliyaan masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah guddoomiyayaasha degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa socdaal shaqo ku tagay wadada laamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir uu dhisay ayaa ku tilmaamay in ay tahay horumar uu ku tallaabsaday dadweynaha ku nool Gobolka Banaadir iyo Maamulkiisa.

Wadadaan dowladda hoose Xamar ay ka hirgalisay caasimadda Dalka Somalia Muqdisho ayaa ah wado dhererkeedu gaarayo 1KM waxayna ka bilaabanaysaa isgoyska Sayidka waxayna ku dhamaanaysaa isgoyska Baar Ubax waxayna dhexmartaa suuqa ugu weyn dalka Somalia ee Bakaaraha waana waddo loo sameeyay sida wadooyinka caalamiga ah laguna dhisay Laami casri ah.

“Hirgalinta Wadadaan laamiga casriga ah oo maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleystay ayaa ka tarjumayso inaan nahay dad wax qabsan kara oo awood u leh inay horumariyaan magaaladooda ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo Warbaahinta kula hadlayay isagoo ku sugan wadada laamiga casriga ee laga hirgaliyay Gudaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Howlwadaag

Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo ah Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag  ayaa ugu mahad celiyay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada gacanta ka geystay dhismaha wadadaan laamiga ah isagoo sheegay in dhismaha wadadaan ay tahay mid ka qeyb qaadan karta in ganacsiga Suuqa Bakaaraha uu sameeyo horumar maadaama ganacsatada Suuqaas ay dhibaato ku qabeen bur  burka wadooyinka soo gala.

Guddoomiye Muungaab ayaa noqonaya guddoomiyihii ugu horeeyay ee gobolka Banaadir oo ku guuleystay 24 sannadood kadib uu Wado Laami si casri ah loo dhisay ka hirgaliyo gudaha Magaalada Muqdisho isagoo kaashanaya ganacsatada ku nool gobolka Banaadir islamarkaasna aan wax kaalmo ah ka helin hay’ado caalami ah ama dalalka deeqaha bixiya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay hirgalinta dhismaha wadadaan Laamiga Casriga ee dhexmarayso suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadada 1-aad 1-da bishii lasoo dhaafay Febraayo 2015 markaas oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu xariga ka jaray dhismaha jidkaas iyadoo inta u dhaxeeyso isgoyska Baar Ubax ilaa isgoyska Sayidka laga hirgaliyay taas oo qaab casri ah loo dhisay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay markii la bilaabayay dhismaha wadadaan Laamiga la saaray in ujeedka maamulka gobolka Banaadir uu ka lahaa ay ahayd in lasoo celiyo bilicdii ay caasimadda dalka Somalia Muqdisho lahaan jirtay.

“Ma ahan laami la dayactirayo, ma ahan in shamiindo lagu shubayo meel god ah, laakin sida aan ka baranay Walaalaha Turkiga ayaan u dhiseynaa laamigan oo aan jecelnahay inay ku soo baxaan qurux waxaana ku baxaya dhismaha wadadaan Laamiga casriga lacago dhan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar ” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo warbaahinta la hadlay 1-dii bisha Febraayo 2015 oo ahayd maalintii uu xariga ka jaray hirgalinta jidkaan laamiga ah oo Maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsadata Muqdisho ay ku guuleysten.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir ayaa sameenaya horumaro dhan kasta ah,waxaana muddii sanadka ahayd uu Guddoomiyaha ka ahaa gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu maamulkaas magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka hirgaliyay mashruucyo badan oo horumarineed.

Muungaab oo qaro jeexaya iyo indho cadde

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawirada Socdaalka Guddoomiye Muungaab uu ku Tagay Wadada Laamiga ah oo dhexmarayso suuqa weyn Bakaaraah ee Muqdisho Laga hirgaliyay.

Wado laami la saaray bakaraha Muungab ookiyaalka saxanaya Muungab iyo Dhoore Xamar Jajab Muungaab oo qaro jeexaya iyo indho cadde Muungaab oo qaro jeexaya iyo indho cadde oo dhoola cadenaya Muungaab oo qaro jeexaya iyo indho cadde 2 Muungaab oo qaro gor gorinaya Muungaab oo kofi wata Muungaab oo jeex qaro taagaya Muungaab oo bakor wata Muungaab iyo masuuliyiin oo ku lugeenaya Laamiga suuqa bakaraha ee gobolka uu dhisay Muungaab iyo Indho Cadde Muungaab iyo Guddoomiyayal degmo Muungaab iyo guddoomiyaha Howlwadaag Indho cadde iyo Muungaab suuqa2 Indho Cadde iyo Muungaab suuqa Guddoomiyaha Howlwadaag 11070538_1570139009891519_5902659832840225050_n 11061333_1570138789891541_1483295787093467288_n 10471182_1570139226558164_2097036533654216798_n 10411238_1570138923224861_5824398758422559058_n 10298833_1570138859891534_2011745130396088012_n 1507739_1570139369891483_6496678300415167591_n 21996_1570139003224853_3066664794314840264_n 16372_1570139359891484_5666380374115482367_n