(Dhageyso+Sawirro) Gudoomiye Jawaari Oo La Kulmay wefdi ka socda Qaramada Midoobay.

0

Kulanka maanta gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha dalka uu la qaatay xubno ka socday Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo madaxa hay’adda Barnaamijka Horumarintya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay sidii Qaramada Midoobay ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanada maamul goboleedyada dalka.

Kulanka ayaa ka dib ayaa waxaa si wada jir ah warbaahinta qaranka ula hadlay gudoomiiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” iyo madaxa hay’ada UNDP Soomaaliya.

Madaxa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway ayaa ugu horeyn sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaarisay mashqruuc lagu horumarinayo Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan maamul goboleedyada dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’ayaa sheegay in wafdigan ka socday Qaramada Midoobay ay la saxiixdeen mashruuc ku saabsan horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaan goboleedyada Soomaaliya.

“Waxaa noo suurtagashay in aan la saxiixno heshiis lagu horumarinaayo Baarlamaanka federaalka iyo kan maamulada dalka hay’adda UNDP waana markii ugu horeysay oo heshiis lagu taageeraayo Baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri Jawaari.

Gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira dardar gelinta howlaha Baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo taasi ay qeyb ka tahay gaarida hiigsiga sanadka 2016-ka.

Hoos Ka Dhageyso Codka:

IMG_5340

IMG_5344

IMG_5347

IMG_5350

IMG_5352

IMG_5357

IMG_5359

IMG_5370

IMG_5372

IMG_5373

IMG_5381

IMG_5382

IMG_5383

IMG_5384

IMG_5387