Degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo ayaa laga soo sheegayaa in xilligaan caqabad xoogan oo dhanka waxbarashada ah ka jirto degmadaasi.
Madax waxbarashada ee degmada Buurdhuubo Weli Maxamed oo lasoo xiriiray, ayaa sheegay in waxbarashadii kajirtay degmadaasi ay saameyn ku yeelatay dagaaladii ka dhacay degmadaasi.
Muddo Sanad ah ayuu sheegay in ardayda ku dhaqan degmadaasi aanay helin waxbarashadii loo baahnaa, sababo amaanka iyo barakac halkaasi ka dhacay.
Weli Maxamed ayaa sheegay in tani aanay ka jirin oo kaliya degmada Buurdhuubo, hase ahaatee deegaanada ku dhaw degmadaasi ay sidaan oo kale saameynta u gaartay.
Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday iskuulo ku yaalla degmada Buurdhuubo ayuu sheegay in aysan jirin wax gacan ah oo ay heleen si sare loogu qaado waxbarashada ardayda ku sugan degmadaasi.
Halkaan Hoose ka dhageyso: