Saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa ku geeriyooday weerar ay Al-shabaab ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo Guddoomiyaha degmada Mandheera la socday.
Xubno ka tirsan maamulka degmada Mandheera ayaa u sheegay AGGM in guddoomiyaha degmadaas Cali Ibraahim Roba oo ah mas’uulka la weeraray uu ka tagay magaalada Mandheera, isla markaasna uu ku socday magaalada Ceel-waaq oo uu damacsanaa inuu ka fuliyo Mashaariic horumarineed iyo mid kor loogu qaadaayo tayada waxbarashada laguna dayac-tiraayo xarumaha wax lagu barto.
Weerarka ayaa dhacay xili guddoomiyuhu uu maraayay inta u dhaxeyso magaalooyinka Lafey iyo Fino, waxeyna wararku sheegayaan in Mudanuhu uu gaaray magaalada Ceel-Waaq isagoo nabad qaba.
Guddoomiyaha Gobolka Alex Ole Nkoyo, ayaa u sheegay in saddexda qof ee gooriyootay ay kala ahaayeen Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Mandheera iyo labo oo ka tirsanaa askartii illaalineysay Mudanaha la weeraray, sidoo kalana wuxuu sheegay Alex iney jiraan dad dhawac uu soo gaaray.
Dhanka kale, wararka madaxa banaan ee laga helayo Mandheera ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ahaa baabuurtii guddoomiyaha la weeraray ay af-duubeen kooxihii weerarka soo qaaday balse Masuulka aan wareysanay ayaa sheegay in uunan xaqiijin karin sheegashadaas.
Ku dhawaad todobo qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas waxeyna wararku ay intaas ku darayaan in qaar kamid ah dadkaas dhaawaca soo gaaray uu yahay mid culus.
Sidoo kale, Al Shabaab ayaa Soo bandhigay Sida ay sheegeen Meydka Max’med Xasan Cali Maamoow guddoomiyihii degmada Buur-hakaba iyagoona gacanta ku dhigaya gaarigii gaar ahaa ee uu ku socday mas’uulka ladilay,
Ma Jidho cid kale Oo madaxbanaan Kuwaas Oo Xaqiijin karra Dilkan.