TOP DHAGEYSO:- Taliska Booliisa Oo Soo Bandhigay Rag Lagu Sheegay In Ay Weerar Ka Fuliyeen Magaalada Muqdisho.

0

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay Afar dhalinyaro ah oo ay sheegeen in weerar ku qaadeen ciidamo ka mid ah Booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo maanta saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in ragaan oo uu la jiro nin Oday ah laga dhex qabtay guri ku dhex yaalla agagaarka Warshadaha Halkaasi oo ay ku dhuumanayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in ciidamada Booliiska ay gacanta u dhigeen ragaasi xilli ay ku daba baxeen dadkii weerarkaasi ka dambeeyay, cadeyn cad ayuu sheegay in ay hayaan, islamarkaana saxaafadda ay usoo bandhigi doonaan.

Raggaan lasoo qabtay ayaa ku xiran saldhiga degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, islamarkaana waxa uu sheegay Afhayeenka in baaritaanno kale lasii wado.

Afhayeenka Booliiska mar ay warbaahinta wax ka weydiisay mudada baaritaanka dadkaan lagu hayn doono iyo waqtiga kama dambeysta ah ayuu ka gaabsaday.

Halkaan Hoose ka dhageyso: