Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ka hadlayay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay si dadban uga hadlay Warar sheegaya in Xilka laga qaadayo.
Guddoomiye Muungaab ayaa si Jees jees ah u sheegay in aysan jirin cid xilka ka qaadi karta islamarkaana Wararkaasi uu banaanka ka maqlay sida uu yiri.
“Dadka qeyl qeylinaya waxaa ay la mid yihiin Dawaco oo Dawacadu Banaanka ayey ka Qeylisaa Laakiin Libaaxa Kalsooni ayuu ku seexdaa kuna soo Toosaa”ayuu yiri Muungaab.
Hadalka Guddoomiye Muungaab ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan Warar la isla dhexmarayo oo ku Aadan in Xilka laga wareejinayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Muungaab: