LIVE DHAGEYSO:- Howlgallo Maanta Ka Socda Magaaladda Baydhabo.

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta faamulka Koonfur Galbeed somaliya, ka wada howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Baydhabo, oo Khamiistii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Maamulkaasi.

Qaar Kamid Ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo ayuu howlgalkaan  ka socdaa, waxaana howlgalka fulinaayo ciidamada Nabad Suggida, Booliiska iyo ciidamada Milateriga ee Baydhabo ku sugan.

Ciidamada ammaanka Magaalada Baydhabo, ayaa sidoo kale baaraya gaadiidka nooca yar yar ee Magaalada dhexdooda socda, si loo hubiyo gaadiidka waxa saaran iyo cida wadata.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Baydhabo weli kama aysan hadlin howlgalka socda, hayeeshe waxa ay sheegeen inay Saxaafadda faah-faahin kasiin doonaan marka lasoo gaba-gabeeyo howlgalka.

Khamiistii lasoo dhaafay Ayeey Aheyd Markii weerar toos ah Lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, inkastoo weerarkaasi Uusan Geysan Qasaaro Saas Uweyn.

Hoos ka dhageyso: