Kulan Howleed Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Ugu Soo Gebageboobay Kampala “SAWIRRO”

0

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
ayaa waxaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ugu soo
gebageboobay kulan howleed la xiriiray dejinta qorshayaasha Kalfadhiga
6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmi doona.

Kulan howleedkan mudo Lix cisho ah uga socday guddiga Joogtada ah ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya magaalada Kampala ee caasimadda dalka
Uganda ayey xubnaha Guddiga Joogtada ah kaga hadleen qorshayaasha ugu
muhiimsan ee ay tahay in uu qabto Baarlamaanka Soomaaliya oo dhowaan u u
bilaaban doono Kalfadhiga 6aad ayadoo sidoo kalena Guddiga Joogtada ah
waqti badan ku bixiyeen dejinta xuquuq ay yeelanayaan mas’uuliyiinta
xilalka kala duwan ka qabta Dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo markii uu kulan howleedkaasi usoo
gebageboobay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya la hadlay
Warbaahinta ayaa tilmaamay in kulanka intii uu socday ay xubnaha guddiga
joogtada ah aad iskula garteen xuquuq lacageed oo ay yeelanayaan
mas’uuliyinta xilalka sar sare ka qabta dowladda ee shaqada ka tagay iyo
mas’uuliyinta howlgabka noday ayadoo lacagtaasina jaangooynteeda aad la
iskula gartay.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo ka kooban Guddoonka Golaha Shacabka
iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa iyagu inta
badan xiliga uu Baarlamaanka ku jiro fasaxa Kalfadhiga waxa ay dejiyaan
qorshayaasha ugu muhiimsan ee la doonayo in uu Baarlamaanka ku shaqeeyo
hadba kalfadhiga markaasi u bilaabanaya.

Hoos ka Daawo sawirro:

DSC_4711 DSC_4713 DSC_4715 DSC_4717 DSC_4719 DSC_4720