(Dhageyso) Hay’adda Musiibooyinka: waa nasiib daro inay Biyo l’aan heyso dadka Wabiga u dhow,

0

Hay’adda Musiibooyinka Qaranka ayaa nasiib daro ku tilmaamtay in qaar ka mid ah Dadka ku nool meel ku dhow labada Wabi ee Shabeelle iyo Juba ay haraad dareemaan iyaga iyo Duunyada.

Arrintaani ayaa waxa uu sababeeyay Madaxa Kormeerka iyo Qiimeynta Hay’adda Maxamuud Sheekh Xassan, Wabiga oo loo weeciyay dhinaca Beeraha taasi oo keentay buu yiri in aysan gaarin Dadka Biyahaha meelahana qaarna loo diido.

“Waxan si gaar ah u xusayaa oo ka mid ah meelaha uu haraadka ka jiro Gobolka Sh/hoose oo Wabiga cid waliba ay leexsatay , Dadkana waa loo diidaa inay meelaha sida gaarka loo leeyahay ay biyaha ka cabaan” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Xassan.

Halkaan ka dhageyso Codka: