(Dhageyso) Halkee Marayaan Mashaariicda lagu dhisayo Garoomada Diyaaradaha Puntland?.

0

 Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid ayaa maanta faahfaahin dheeri ah  ka bixiyay halka ay marayaan Mashriicda lagu dhisayo  Garoomada Diyaaradaha Puntland.

Xassan Xaaji Siciid ayaa sheegay in dhismaha Garoonka Bosaso uu si habsami leh u socdo,xilli buu yiri dhowaan la keenay qaybta labaad ee Qalabka lagu dhisayo Garoonka.

‘’Waxaa laso dhamaystiray qaybta labaad ee Qalabka Birta culus oo 25-kii Gaari ee ugu dambeeyay la keenay dhowaan,hawsha socotaa waxay u badan tahay soo dhamaystirka Siliga Dayrka,Shiidida Dhagax iyo Ciida lagu dhisayo Garoonka’’Ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray‘’…Garoonka Naqshadiisa waa la kordhiyay marka hore Naqshadiisu waxay ahayd 2-KM iyo 600-M,laakiin Dawlada ayaa kordhisay oo ka dhigtay 3-KM iyo 400-M’’Ayuu yiri.

Dhanka kale,Wasiirka ayaa ka warbixiyay Mashruuca lagu dhisayo Garoonka Garowe iyo Garoomada kale ee Puntland.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Codka Wasiirka oo Dhamaystiran:-