DEG DEG:- TOP NEWS, Guddiga Adeegga Garsoorka oo gaashaanka u daruurey kala diristooda.

0

Kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wareegto uu soo saaray uu ku kala direy golaha adeegga garsoorka oo dhisnaa ilaa xiligii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa diidey go’aanka madaxweynaha.

Waxa ay sheegeen in madaxweynaha uusan xaq u lahayn in uu kala diro golaha, islamarkaasina ay golaha yihiin laan madax banaan iskeed oo uusan madaxweynaha farogali karin

Qodobada ay soo saareen waxaa ka mid ah

  1. In golaha adeegga garsoorka kamid yahay 3-da tiir ee qaranku ka koobanyahay
  2. In digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya aaney waafaqsanayn dastuurka jamhuuriyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya
  3. In aanu jirin dastuur ama sharci madaxweynaha awood u siinaya in uu kala diro golaha adeega garsoorka ama gole kale oo Qaran.
  4. In marka wax garsoor ku saabsan laga hadlayo sida dastuurku dhigayo madaxweynuhu uu helo ogolaanshaha golaha adeegga Garsoorka ,xitaa magacaabista xeer-ilaaliyaha iyo ku xigeenkiisa.
  5. Hadii lagu kaco ama lagu dhaqaaqo talaabo garsoorka la xidhiidha oo aan lagala tashan Golaha Adeegga Garsoorka ,waa qayru sharci ,xitaa hadii goluhu yahay mid ku meel gaadh ah.

Hoos Ka Roggo qoraalka golaha ay soo saareen oo dhamaystiran;

HALKAAN RIIX .