Wasiirkii hore ee Wasaaraada Gaashandhiga Xukumaddii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay VOA ayaa Madaxda Dalka Soomaaliya ugu baaqay in ay la xisaabtamaan Saraakiisha Amaanka u qaabilsan si looga hortago Weerarada Qorsheysan ee ka dhaca Caasimadda Soomaaliya.
C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Aan Amaanka Muqdisho la Xaqiijin karin ilaa la isla Xisaabtamo oo la ogaado halka ay wax ka qaldan yihiin.
Sidoo kale Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa soo jeediyay in Wadooyinka Muhiimkaa ee Muqdisho lagu xiro Kaamirooyinka Qarsoon ee CCtv loo yaqaano.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Kamirooyinkaasi ay qeyb ka qaadan ka Xaqiijinta Amaanka islamarkaana markii ay dhacaan Dhacdooyinka Aman xumo laga tixraaci karo.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: