Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Gacanta ay ku hayaan Darawalkii waday Gaari Shalay ku qarxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay,kaas oo Ciidamada Amaanka Maamulkaasi ay qabteen.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Cali oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay hayaan Ninkaasi oo ka tirsan Shabaab islamarkaana Cadaalada la hor keeni doono dhawaan.
Magaalada Baydhabo Shalay waxaa ka dhacay Weerar lagu qaaday Madaxtooyada Maamulkaasi,waxaana ku dhintay 10 Ruux oo Al-shabaabkii soo weeraray iyo Ciidamo ilaalinayay Madaxtooyada iskugu jiray.
Weerarkaasi ayaa waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab Mas’uuliyadiisa in ay ka danbeeyaan.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: