Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaalada haatan ay tahay mid degan,islamarkaana la soo afmeeray howgalkii maanta barqadii kooxo hubeysan ay ku qaadeen xarunta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday oo gaarayay ilaa iyo seddex ruux la dilay ka hor inta aysan galin Hooyga Shariif Xasan uu ka degan yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Waxay tilmaameen in qasaaro sidaasi u sii buuran uusan geysan weerarka maanta,balse kaliya ay ogyihiin dhaawac Labo ruux oo rayid ah geerida seddex ruux ee weerarka soo qaaday.
Xiliguu weerarka dhacayay xarunta madaxtooyada waxaa ku sugnaa madaxweynaha mamaulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Shacabka magaalada Baydhabo ayaa cabsi dareemay markii ay maqleen jug culus iyo rasaas la isweedaarsanayay intii howgalka uu socday,waxaana hada muuqata in jawiga sidiisii hore ku soo noqonayo.
Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay ka danbeeyaan ururka Al-habaab,islamarkaana ay ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia oo ku sugnaa Baydhabo.