Afhayeenka laamaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shaqsigii waday gaarigii xalay ku qarxay dhabarka dambe ee Wadada Makka Al-mukarrma ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in taliska ciidamada Booliiska Soomaaliya ay ka warhayeen gaarigaasi, islamarkaana ciidanka ay baadigoob ugu jireen gaarigaan walxaha qarxa saarnaa.
“Cadeymaha gaariga waan haynaa, qofkii gaarigaasi waday waan soo bandhigaynaa, xogta gaarigaasi iyo qaraxaas waan soo iyo sida uu ahaa iyo halka uu ka yimid, aad waxaan ugu mahadcelinaynaa ciidamada amaanka qaranka feejignaantooda iyo diyaargarowgooda dheeriga ah” ayuu yiri Afhayeenka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay aad u adkeeyeen amaanka guud ee magaalada Muqdisho, waxaana jiray qaraxyo ay horay uga hortageen ciidanka amaanka.
Halkaan hoose ka dhageyso: