TOOS:- Qaraxyo iyo rasaas ka socota Madaxtooyada Baydhabo ee Maamulka Koofur Galbeed.

0

Weerar xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsanayo, ayaa waxaa maanta lagu qaaday Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka waxa uu ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay meel ku dhow Madaxtooyada, iyadoo wararka ay intaa ku darayan in iska horimaad fool ka fool leh uu xigay.

Qaraxyo is xig xigay, ayaa laga maqlay nawaaxiga Magaalada Baydhabo, sidoo kalana waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan oo u muuqato, mid laba dhinac ka dhaceyso.

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Amisom, ayaa isku deyaaya inay wiiqaan xubnaha weerarka soo qaaday, oo la rumeysan yahay in mintidiinta ka tirsan yihiin.

Goor sii horeysay, ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in weerarkaasi ay qaadeen ciidan u daacad ah Sheekh Mukhtaar Cali Roobow (Abuu Mansuur).

Weerarkan, ayaa qal-qal ku keenay bulshada ku nool Magaalada Baydhabo, iyadoo uu weerarku hakad geliyay dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka. Waxaana la xiray goobaha ganacsiga.

Suxufi ku sugan Magaalada Baydhabo, ayaa AGGM u sheegay in dadku bilaabeen inay guryahoodu u cararaan, daqiiqado ka dib markii dhow qarax iyo rasaas xoogan laga maqlay aagga Madaxtooyada.

Ma cadda in Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu Madaxtooyada ku sugnaa iyo in kale, xilligii uu weeraku dhacayay.

La Soco faah faahinta Haduu alle idmo.