Sawirro+Dukumenti: Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Cumaan Danjire Xasan Maxamed Siyaad Barre Oo Xilkii Safiirnimo Wareejiyay…

0

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 9March, 2015 waxaa ka dhacay Safaaradda dowladda federalka Somalia u fadhida Masqat, xaflad maamuus uu ku xilwareejiyay Danjire Eng. Hassan Mohamed Siad Barre.

Xafladdaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen diblomasiyiinta iyo shaqaalaha Safaaradda ayaa Danjire Hassan Mohamed Siad uu ku xusay taariikhda Safaaradda iyo xilliyadii kala duwanaa ee ay soo martay isagoo caarrabka ku dhuftay hawlqabadkiisii ka danjire ee hore u dhigga xiriirka labada waddan oo walaalaha ah Somaliya iyo Cumaan.

Danjire Hassan ayaa mahad aad u ballansan u jeediyay madaxdii uu la soo shaqeeyay dhinaca Dowladda Somalia qirayna in ay had iyo goor la garab taagnaayeen talo iyo tusaale joogta ah.

Dhanka kale dowladda Saldanadda Cumaan oo uu ugu horreyo Suldaan Qaaboos Bin Saciid ayuu ku sifeeyay hoggamiye jecel wanaagga iyo hore u kaca Dalka iyo dadka Somaaliyeed in badanna is barbar taagay Somaliya khaas ahaan xilliyadii mugdiga ahaa ee dagaallada ahliga ahi dalkayagu aafeeyeen.

Danjire Hassan waxuu sheegay in ay u suuro gashay in uu tageero kaga helay dowladda Cumaan dowladihii ku meelgaarka ahaa ee Somalia ka bilow xukumaddii M/weyne Dr. Abdulqasim, M/weyne Abdullahi Yusuf iyo M/weyne Shariif oo ay ka taageertay dhinacyo kala duwan.

Sidoo kale waxaa dowladda Cumaan ay ka taageertay xukuumadda M/weyne Hassan Sheikh ku biirinta dhaqaale laxaad leh sanduuqii tabaruca New Deal ee Somalia iyo abaartii dhowaan ku dhufatay gobollada dalka intooda badan taasooy mucaawamo gaarsiiyeen somaliland, Puntland, Jubbaland, gobollada Konfur Galbed, gobollada dhex iyo Magaala Madaxda Muqdisha.

Danjire Hassan waxuu ku nuuxnuuxsaday Safaaraddu inay xooga saartay u doodida xuquuqda muwadiniinta Somalida ha ahadeen xaga qaxooti kumanaan gaaraya oo dib uga soo barakacay dalalka deriska la ah Cumaan, taas oo ay u suurta galiyeen inay dib ugu soo dhoofiyaan Somaliya ayagoo fulinayaa codsiga muwadiniintaa,

Sidoo kale waxan nu soo booqanay muwaadiniin soomaliyeed oo ku xiran xabsiyada Cumaan kuna eedeysan danbiyo kala duwan una badan burcad badeednimo, waxaan in badan ka codsado ay dowladda Cumaan inay muwadiniintaa kuwooda la xukumay u oggolaadan inay xabsiga ku dhamaystaan dalkooda.

Waxuu ka mahad naqay aqbaladda uu ka aqbalay Suldaan Qaboos codsigiisii ahaa dhismayaasha laba aqal oo kala ah aqalka Safaaradda J.F Somalia iyo aqalka Hoyga danjiraha safaadda J.F Somalia, kuwaas oo ay ku bixi doonto boqllaal kun oo Riyaalka Cumaan ah ayadoo dhismahoodu bilaaban doono dhowaan.

Ugu dambayn waxuu Danjire Hassan ku amaanay diblomasiyiinta Safaaradda iyo shaqaalaha rayidka ahba sidii ay u la shaqeeyeen ee hufnaanta iyo sharafta lahayd, kuna dhiirriyay inay halkaa ka sii wadaan.

20150310_233735

20150310_233750

Screenshot_2015-03-10-23-25-29

Screenshot_2015-02-27-13-45-23

Mahadsanidin.
Somali Embassy Muscat