(Dhageyso) Haweeney Uur Leh Oo Daryeel Caafimaad La’aan Ugu Geeriyootay Buuloburde.

0

Haweeney Uur leh ayaa ku geeriyootay Isbitaalka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan, ka dib markii aanay helin daryeel caafimaad oo ku filan.

Maamulka degmadaasi ayaa sheegay in aanay jirin wax daawo ah oo Isbitaalka yaalla, islamarkaana haweeneydaasi geeriyootay loo waayay Hal Faleebbo oo lagu suro, iyada oo dhiig baxaysay.

Gudoomiye ku xigeenka maaliyadda Buuloburde Liibaan Cabdi Burusow oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee ka jirta degmadaasi aanay wanaagsaneen dadkuna aanay haysan daryeel caafimaad, iyadoo sidoo kale halkaasi ay ka taagneed xaalado kale oo dhanka nolosha ah, sida raashiin la’aan.

“Haweeneey ayaa degmada Buuloburde ku foolatay, waxaa degmada oo dhan laga waayay Hal Faleebo wey dhiig baxaysay weyna dhimatay, ilaa hadda wax daawo ah ma yaallaan degmada, dadka meel daawo looga soo qaado malahan, xaaladaha kale ee degmadana wey adag tahay, wax degmada ka baxa malahan, wax soo galana malahan” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Degmada Buuloburde waxaa go’doon geliyay Al-shabaab, waxaana ay xireen wadooyinka gala degmadaasi, iyadoo halkaa ay ka jirto xaalad nolol oo aad u liidata.

Halkaan Hoose ka dhageyso: