Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen waxa ka qabashada amaanka guud ee wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba oo marar badan dhibaatooyin loogu geystay dadka shacabka ah.
Wasiirka Dalxiiska maamulkaasi Cumar Aadan Xasan ayaa sheegay in isaga iyo xubno la socday ay ku baxeen sidii lagu xaqiijin lahaa amaanka wadadaasi, islamarkaana ay sahlanaatay sidii isbedal amni loogu keeni lahaa wadada isku xirta Baydhaba iyo Muqdisho.
“Waxaan la dagaalamaynay muddo bil ku dhaw kuwa dadka wadooyinka ku dhiba, isbaarada dhigta, haweenkana kufsada, sidaa darteed anaga oo taasi ka duulayna ayaan go’aan sanay in wasiir walba shaqada uu qabanayo ku daro sidii amaanka lagu heli lahaa” ayuu yiri Wasiir Aadan Xasan.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen qabashada alaab badan oo horay dad shacabk ah looga dhacay, kuwaa oo lagu hayay xaafado ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, dadkii haystayna uu sheegay in ay soo xireen.
Kulan horay wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ku yeesheen magaalada Baydhaba waxa ay soo saareen go’aan ku aadan sidii deg deg wax looga qaban lahaa amaanka guud ee gobalada maamulkaasi ka taliyo, gaar ahaan wadada isku xirta Baydhaba iyo Muqdisho.
Halkaan Hoose ka dhageyso: