Degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug waxaa ka taagan Xiisad Colaadeed oo u dhaxeysa Maleeshiyaad kala taabacsan Maamulda Galmudug iyo Puntland waxaana dagaalkaasi ku dhintay Tiro dad ah,iyadoona ay ku dhaawacmeen Tiro kale.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ku baaqayo in la joojiyo Xiisadaasi islamarkaana Nabada laga shaqeeyo.
Guddoomiye Aweys Cali ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu diyaar u yahay ka shaqeynta Nabad Galyada Gobolka Mudug si Nabad loogu noolaado.
Warar badax banaan ayaa sheegaya in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Ciidamo geeyeen Degaanka Saaco,kaas oo Suuro gal ah in uu Dagaal dhaco.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka: