(Dhageyso) Waxgarad Cabasho Ka Muujiyay Amaanka Deegaanka Golweyn Ee Shabellaha Hoose.

0

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanka Golweyn ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa cabasho ka muujinayay amni darri baahsan oo ka taagan deegaankaasi.

Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen waxgaradkaan ayaa waxa ay kaga hadleen dhibaatooyin ay sheegaan in habeenadii ugu dambeeyay ay deegaanka kusoo kordheen.

Nabadoon Axmed Cali Xaaji oo ka mid hawaxgaradkaan kulanka yeeshay ayaa sheegay in Seddax Habeen oo isku xigta ay degaanka soo galeen rag hubeysan oo aan ka mid  ahayn dowladda Federaalka, kuwaasi oo dhac iyo dhibaato u geysta dadka shacabka ah.

“Ciidamada Milatariga wey joogaan laakiinse habeenkii saldhigooda kama soo dhaqaaqaan, waxaa habeenadaan dambe soo gala ciidan aan dowladda ahayn misane hubeysan, waxay dhac iyo dil u geysanayaan dadka shacabka ah, mana jirto cid wax ka qabatay” ayuu yiri Nabadoon Axmed Cali

Ugu dambeyn waxgaradkaan ayaa si wadajir ah ugu baaqay saraakiisha ciidanka xooga dalk ee ku sugan deegaankaasi in ay habeenkii howlgallo sameeyaan, islamarkaana ay shacabka ka qabtaan ragaan uu sheegay in dhibaatada ay wadaan.

Halkaan hoose ka dhageyso: