(Dhageyso) Cudurka Jadeecada Oo Ka Dilaacay Deegaano Uu Ka Arimiyo Maamulka Gal-mudug.

0

Deegaano dhowr ah kana tirsan maamulka Gal-mudug State ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dilaacay cudurka Jadeecad halkaasi oo dad badan ay kula il daran yihiin.

Wasiirka Caafimaadka ee maamulka Gal-mudug Axmed Shariif ayaa sheegay in deegaano dhowr ah uu ku faafay cudurkani.

Deegaanada uu sheegay wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Gaalkacyo, Hobyo Bandiiradley iyo deegaano kale, isaga oo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhanka caafimaadka u diray baaq ku aadan wax ka qabashada cudurkaan.

“Waxaa ugu badan magaalada Gaalkacyo oo 80% bukaanka la helay ahaa, hobyo waxbaa laga sheegay, laakiinse meelaha ugu badan waa Gaalkacyo iyo Bandiiradley, waxaana rajeynaynaa intii laga gaari karo laga gaaro, waxaan kale oo codsi u dirayaa in ay nagala qeyb qaataan hay’addaha UN-ka sida WHO iyo UNICEF ololaha arintaan aan ku wajahayno, waxaana rajeynaynaa in kaalintooda ay nagala qaataan” ayuu yiri Wasiirka caafimaadka Gal-mudug.

Wasiirka ma aanu sheegin tirada dadka la il daran cudurka Jadeecadda ee laga soo sheegayo inuu ka dilaacay deegaano badan oo ka mid ah Gal-mudug.

Halkaan Hoose ka dhageyso: