Biyo La’aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa degmada Maxaas iyo deegaano kale oo hoostaga degmadaasi, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool.
Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in deegaanada hoostaga degmada Maxaas ay ugu daran tahay, islamarkaana ay soo barakaceen dad badan oo halkaasi deganaa.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ay gureen Baraago dadka ay biyo ka cabi jireen, sidoo kale ay biyo yareeyeen ceelashii biyaha ay dadka ku tiirsanaayeen.
Sidoo kale Roobab aan halkaasi ka da’in muddo Laba Sano ah ayaa sabab usii noqotay in biyo la’aanta ay sii baahdo, iyadoo gudoomiyaha Maxaas uu tani ku sifeeyay abaar xoogan oo dadka iyo duunyada ku dhufatay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxaas ayaa sheegay in dadkani Biyo la’aanta ay usii dheertahay cunno la’aan halkaasi ka jirto, hadii aan deg deg wax looga qabanna ay xaaladdu tagi doonto meel cakiran.
Halkaan Hoose ka dhageyso: