Maamulka gobalka Shabellaha dhexe ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalkaasi, gaar ahaan beeraleyda in ay ka faa’ideystaan tabcashada beeraha oo ay u istaagaan tacabkeeda.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo amniga maamulka gobalka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa meel fagaaro ah isaga oo kula hadlayay shacab badan waxa uu u sheegay in gobalkaasi uu hodan yahay, shacabkana laga doonayo in ay ka faa’ideystaan.
Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka hadii shacabka ay si dhab ah u tabcaan beerahooda in ay iyagu ka bixi doonaan kaalmooyin loo keeno, taasi bedalkeedna ay iyaga kaalmooyin iyo mucaawino bixin karaan.
“Anaga in aan wax kaalmeeno ayaa nalooga baahan yahay, gobalkeena waa hodon waxa uu leeyahay Bad, Wabi iyo Beer, hiigsigaynu waa in aan gaarno muwaacinada inaan bixinno, kana baxno in nala soo gaaro” ayuu yiri Mr Mayre.
Bulshda ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka gobalka Shabellaha Dhexe waxa ay noloshooda ku tiirsantahay 90% beeraha iyo xoolo dhaqatada.
Halkaan hoose ka dhageyso: