Maxay isku afgerteen Waftiga Raisul Wasaare Omar Abdirashid iyo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Mudug iyo Galgaduud? Maxaase Kasoo Baxay Kulamadii Guraceel?

0

Raisul Wasaare Omar Abdirashid Ali Sharmake iyo Waftigii uu hogaaminayey oo shalay Booqasha ku yimid Magaalada Dhuusamareeb oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Abdirahman Odowaa, Wasiirka Qorsheynta Abdirahman Ceynte, Ambassador Ahmed Abdisalam Hagi Adam, Xildhibaan Abdulkadir Macalin Nur, Xildhibaan Duniyo, Xildhibaan Abdisamad oo shalay, xalay ilaa Maanta kulamo kala duwan ku lahaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Waftiga oo isku qeybiyey labo qeybood ayaa qeyb waxaa hogaaminayey Raysul Wasaare Omar Abdirashiid, Wasiirada la socday iyo Xildhibaanad Duniyo, Kulamada Raisul wasaaruhu la yeeshay odoyaasha Dhaqanka iyo marti sharafka ka qeyb galaysa Shirka dib u heshiisiinta iyo Nabad dhisida ayaa ku soo dhamaaday is afgarad , Raisul wasaaraha Omar Abdirashid ayaa odoyaashu ka codsadeen in Dawladdu taageerto shirka Dib u heshiisiinta kana bixiso Tasiilaadka shirka ilaa hadda ku baxay iyo inta dhimanba, Odoyaasha dhaqanku waxay Raisul Wasaaraha u sheegeen in shirkaan qeybta koowaad yahay dib u heshiisiin kaliya marka uu dhamaadana ay soo saari doonaan go’aamada Maamul dhisidda Labada Gobol waxayna RW Omar ka codsadeen in Dawladu taageerto go’aanada kasoo baxa odoyaasha dhaqanka oo aysan kor uga keenin go’aano kale.

Raisul Wasaare Omar Abdirashid ayaa u sheegay odoyaasha Dhaqanka Gobolada Galgaduud iyo Mudug in Dawladdu shirkaan taageersan tahay iyo wixii kasoo baxaba, wakiilo-na uga tagayso, xubno kamid ah Guddiga Farsamadana shirka kusoo biirinayaan, dhinaca Tasiilaad ka Hayadihii ka taageeri lahaa shirkana usoo direen Madasha shirka, sidoo kalana Dawladdu shirka ka taageereyso dhinaca dhaqaalaha shirka ku baxay ama uu haatan u baahan yahay, ugu danbeyna Dawladduna taageereyso go’aanada kasoo baxa odoyaaaysha dhaqanka, ayna kor uga keeni doonin waxyaabaha ay ku heshiiyaan wax ka baxsan.

Dhinaca kale waftiga qeybtiisa kale oo uu hogaaminayay Amb Ahmed Abdisalam, ayna kamid ahaayeen Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nur iyo Xildhibaan Abdisamad waxay isla shalay Galab u dhaqaaqeen Magaalada Guriceel waxayna halkaa kulamo kula soo yeesheen ASWJ, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Beelaha Deegaanka Guriceel, waxaana kulamadooda kasoo baxay in Xabad joojinta la ilaaliyo, Dadka Magaalada ka barakacayna lagu soo celiyo Magaalada, Waftigaana waxay magaalada geeyeen Ciidamo ka socda Wadamada AMISOM ugu deeqay ciidanka Nabad ilaalinta ee ka hawlgala Soomaaliya.

Kulankii Waftiga Ahmed Abdisalam la yeesheen qeybaha kala duwan ee ku lugta lahaa dagaalada Guriceel iyo Ciidamada xabad joojinta ilaalinaya oo gaaray Magaalada Guriceel kadib ayaa la sheegayaa in kalsoonidii dadka soo laabatay iyaga oo haatan bilaabay in dadkii barakacay si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanayaan magaalada Guriceel.

Isku soo wada duube kulankii RW Omar Abdirashiid ayaa kusoo dhamaaday si nabad iyo guul ah isaga oo RW Omar Abdirashid u balan qaaday odoyaasha dhaqanka inuu ka taageero shirka dib u heshisiinta dhinaca dhaqaalaha sidoo kalana u sheegay in Dawladdu taageereyso go’aanada kasoo baxa odoyaasha dhaqanka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.