Hordhac:- Akhri Falanqeynta Kulamadda Adag Manchester United Iyo Arsenal Ee Caawa.

0

Man United waxay caawo garoonkeeda Old Trafford ku qaabili doontaa naadiga ay xifaaltamaan Arsenal kulan ka tirsan wareega 8-aad ee FA Cup-ka.

Kulan lama mid a kulamada Premiership-ka England waayo kooxdii laga badiyo gabi ahaanba tartanka FA Cup-ka ayay ka hari doontaa sidoo kalena sanado badan ayaa lagu maadeesan doonaa.

Macalin Luis Van Gaal waxaa saaran cadaadis weyn madaama ay taageerayaasha Man United maalin walbo wax ka sheegaan sida uu kooxda u cayaarsiiyo.

Sidoo kale macalinkan hadal ayaa ka tagay wuxuuna yiri “FA Cup-ka waa koobka aan doonayo inaan Man United u qaado sanadkan”

Hadaba hadalka Van Gaal kasoo yeeray si uu usii jiro waa in Man United ay caawo ka taqalusto Arsenal.

Dhanka Arsena Wenger isaga xaalkiisa lama sadaalin karo hadii uu labo kulan guuleest waa la iska iloobaa qaladaadkiisa marna hadii dhagta dhiiga loo daro waa lagu kacaa!

Sidaa darteed si caawo markale tooshka loogu shidin waa inuu Man Unite garoonkeeda Old Trafford kaga badiyaa markii ugu horeesay mudo 9-sano kadib!

Arsenal-FA-Cup-750x360

Aqbaar ku saabsan xidigaha labadan naadi:

Robin van Persie ayaa kulan seegi doono kulankan madaama uu dhaawac dhanka qoobka ah qabo sidoo kalena Jonny Evans isagana ganaax ayuu ku maqnaan doonaa madaama dhawaan 6-kulan oo ganaax ah garka loo galiyay.

Dhanka Arsenal waxaa kulan ka maqnaan doono Gabriel Paulista oo isaga dhaawac dhanka muruqa ah soo gaaray sidoo kalena  Nacho Monreal iyo Mathieu Flamini iyagana kulan adag ma cayaari karaan madaama ay dhaawacyo kala duwan qabaan.

Xaqiiqada kulankan adag la xariirto:

  • Wayne Rooney wuxuu dhaliyay 7-gool 8-kulan ee ugu dambeesay ee uu cayaaray FA Cup-ka
  • Arsenal iyo Man United waa labada naadi ee ugu badan hanashada tartankan waxayna ku guuleesteen min 11-jeer.
  • Olivier Giroud wuxuu dhaliyay 7-gool sidoo kalena 4-kubadood ayuu dhiibay tartankan 11-kulan ee ugu dambeesay ee uu kasoo muuqday.
  • Man United 4-kulan ee ugu dambeesay FA Cup-ka oo ay la cayaartay Arsenal waxay ku guuleesatay inaan wax gool ah laga dhalinin.
  • Arsenal waa markii 11-aad oo ay soo gaarto wareega 8-aad FA Cup-ka tan iyo markii uu kooxdan hogaankeeda Wenger la wareegay kaliya hal mar ayay wareegan ku hareen waxaana reebtay Man United sanadii 2011.
  • Labadan naadi guud ahaan 13-kulan ayay tartankan isku arkeen Arsenal waxay guuleesatay 6-kulan oo kulan ka mid ah ay rigoorayaal ku badisay halka Man United ay iyadana guuleesatay 7-kulan.
  • Sidoo kale labo jeer ayay taariikhda tartankan Finaalihiisa wada cayaareen waxaana labada jeer koobka qaaday kooxda Arsenal.
  • Haka reebin 3-jeer ayay Semi-finalaha tartankan ku kulmeyn waxaana sedexda jeer guuleesatay kooxda Man United.
  • Man United kaliya 1-kulan ayay guul dareesatay 15-kulan ee ugu dambeesay oo ay Arsenal la cayaartay dhamaan tartamada kala duwan.
  • Wayne Rooney Arsenal wuxu ka dhaliyay 11-gool Premiership-ka halka uu FA Cup-ka ka dhaliyay 3-gool waana xidiga ugu badan ee Arsenal marwalbo goolasha ka dhaliyo.
  • Labadan koox waxay qaateen 4-jeer caalamada casaanka ah 7-kulan ee ugu dambeesay oo ay tartankan ku kulmeyn.

Line Up-ka Macquulka Ah Ee Labadan Naadi Kusoo Gali Doonaan:

Man United: De Gea, Jones, Smalling, Rojo, Valencia, Blind, Herrera, Fellaini, Di Maria, Young, Rooney

Arsenal: Szczesny, Koscielny, Mertesacker, Gibbs, Bellerin, Coquelin, Cazorla, Ozil, Ramsey, Sanchez, Giroud.