(Dhageyso) Xeerilaaliyaha Qaranka” Dumar ayaan geyn doonaa Garsoorka Dalka”

0

Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Haweenka Adduunka oo Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay Door ku yeelan doonaan Garsoorka Dalka.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Haweenka Soomaaliyeed dhawaan lagu biirinayo ka mid noqoshada Garsoorka Dalka,taasna ay tahay Hormar ay gaareen Dumarka Soomaaliyeed.

“Bishaan dhaxdeeda Xafiiska Xeerilaalinta Qaranka waxaa uu qaadanayaa 15 Xubnood oo Shaqaale ah,7 kamid ah Waa Dumar,Dumarka Soomaaliyeed waa muhiim in ay Talo iyo Tusaale  ku yeeshaan Dalkeena”ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa sheega in lagu Dulmiyay Xilalka ay ka helaan Dowladda Soomaaliya,iyagoona Sanadihii danbe si weyn uga dhax muuqaday Hay’addaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka: