Kooxda Barcelona oo Real Madrid kala wareegtay hogaanka Horyaalka Spain ee La Liga (Sawirro)

0

Kooxda Barcelona ayaa ka faa’ideysatay guuldaradii xanuunka badneyd ee xalay dhabarka loo saaray kooxda Real Madrid, taasoo muddooyinkan hogaanka u heysay Horyaalka Spain ee loo yaqaano La Liga.

Real Madrid ayaa xalay lagu garaacay 1-0, waxayna guuldaradan niyad jebisay xidigaha lacagaha faraha badan lagu soo iibiyay, iyagoo awoodi waayay xataa inay gool ka dhaliyaan kooxda Athletico Bilbao.

Barcelona oo maanka ku heysay guuldarada Real ayaa duhurnimadii maanta oo Axad ah waxay garoonkeeda Nou Camp ku xasuuqday kooxda Rayo Vallecano, waxaana ay ku badisay 6-1.

Goolasha Barcelona ayaa waxaa saddex ka mid ah dhaliyay Messi, waxaa mid ka mid ah ay aheyd rigoore, iyadoo arrinta xusuusinta mudan ay tahay in Lionel Messi uu 12-daqiiqo gudahood ku dhaliyay saddexda gool daqiiqadihii (56, 63, 68).

Sidoo kale labada gool kale waxaa u dhaliyay Barcelona Luis Suarez oo mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan, waxaana uu ahaa ninkii furay bandhiga goolasha soona xiray.

Barcelona ayaa ku hogaamineysa 62 dhibcood, waxaa ku soo xigta Real Madrid oo leh 61 dhibcood, Horyaalka Spain ayaa waxaa uu xilligan yahay mid is bedel badan ka muuqda, iyadoo kooxaha waa weyn ay guuldarooyin dhowr jeer la kulmeen.

Bishan gudaheed Barcelona iyo Real Madrid waxay isku arki doonaan kulanka is araga labaad ee Horyaalka Spain, waxaana loo arkaa kulan aad uga xiiso badnaan doona kulamadii hore, waana kan lagu go’aamin doono cida hanan doonta Horyaalka.

Hoos ka daawo sawiradda;

2670A0E100000578-2985005-Barcelona_moved_top_of_La_Liga_with_a_6_1_win_over_Real_Madrid_a-m-61_14258195826012670BAFA00000578-2985005-image-a-68_142582048973926705A6E00000578-2985005-image-a-20_142581719458826708C7A00000578-2985005-image-a-38_14258181613062670760C00000578-2985005-image-a-28_14258172535052670962E00000578-2985005-image-a-41_14258181659562670951000000578-2985005-image-m-37_1425818152514