Jabhad Magac Yaab Leh La Baxday Oo Ka Dilaacday Kismaayo (Aqriso War Culus Oo ay Hadda Soo Saartay..)

0

Hardline Somali Islamist militants take position during a stand-off between them and government forces north of MogadishuKISMAAYO, Somalia (Allgalgaduud.com) – Jabhad cusub oo xaq u dirir ah ayaa ka dillacday magaalada Kismaayo, waxayna soo saartay warkeeedii ugu horreeyey oo sidan uqonaa:-

Magacayga waa kabtan Juma Shongolo, oo joogaa magaalada Kismaayo. Waxaana ahay hoggaamiyaha urur cusub oo la yiraahdo Gosha Liberation Front.

Dulmiga ka socda Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ee dhibka loogu geysanayo dadka reer goleedka darteed waxaan maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa inaan bilowney kacdoon hubeysan oo dadkeena lagu xoreynayo oo laga bilaabo Kismaayo oo aha xarunteena ilaa dhulka kale ee Jubbooyinka oo aan degno.

Dulmiga lagu hayo reer goleed waxaa ugu dambeeyay gabar 10 jir ah oo ay kufsadeen cadowga iyo weliba dadka reer goleedka oo qasab looga saarayo magaalada Kismaayo.

Dagaalka waxan ku qaadeynaa maamulka beenta ah ee Axmed Madoobe, ciidamda Amisom, ciidamada kale ee shisheeye iyo weliba dowladda Somalia oo dhamaantood dulmi nagu haya.