(Dhageyso) Wasiirka Gaashaandhigga oo Guriceel kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Ahlusunna.

0

Wasiirka gaashaandhigga Generaal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo shalay gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa xalay kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu-Sunna iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Wariyayaasha ayaa ku soo warramaya in wasiirku uu shalay  galabtii socdaal ku tagay goobihii lagu dagaallamay  ayadoo ay la socdaan saraakiil ka tirsan ASWJ.

IMG_7351

Dagaal u dhaxeeya ciidamo dowladda ka tirsan iyo ASWJ ayaa dhowr jeer ka dhacay degmada Guriceel oo ay inta badan ka barakaceen dadkii degganaa. Masuuliyiinta Ahlu-Sunna ayaa sheegay inaysan diiddanayn dowladda hase yeeshee ay wax tabanayaan.

Wasiir Diini ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la joojiyo dagaalka isla markaana wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka si loo badbaadiyo dadka shacabka ah.

Hoos ka dhageyso warbixin: