Dadaalo lagu doonaayo in uu ku furmo wada hadaladii u soconaayay Somaliya iyo Somaliland, ayaa si rasmi ah u burburay gelinkii dambe ee shalay.
Magaalada Istanbul waxaa ku sugan wefdi matalaaya Somaliya iyo Somaliland, oo wada hadalada ku matalaayay, iyadoo lagu wado maanta in wafuuda labada dhinac ay kala aadaan Magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho.
Burburka wada hadalada, ayaa ka dambeeyay markii Somaliland ay si adag kaga hortimid inay la fariisato wefdiga Somaliya, sababo ku aadan iyadoo ay ku jiraan xubno deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xersi Xaaji Cali Xasan, ayaa waxa uu Somaliya ku eedeeyay in xubanaha wada hadalada kaga qaybgalaaya, ay ku soo dartay siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u sheegay Saxaafadda in masuuliyada bur-burka wadahadalka ay leedahay Maamulka Soomaaliland, maadaama ay diideen qaar ka mid ah ergadii Dowladda ay u dirtay Istanbuul.
Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa dhankiisa sheegay in masuuliyada wada hadalka ay leedahay Dowladda Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso: