MOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud) – Nin Soomaali Mareykan ah oo baadi goob xoogan ugu jirtay Dowlada Mareykanka ayaa la ogaaday in uu ku jiro Xabsi ay maamusho Dowlada Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin halka uu ku yaalo xabsigaasi.
Liibaan Xaaji Maxamed, oo 29 jir waxaa baadi goob xoogan ugu jirtay Dowlada Mareykanka oo dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkan ku dartay Liiska Dadka ay doon dooneyso Dowlada Mareykanka ee lala xariiriyo falalka argagaxiso.
Ninkan Soomaaliga ah oo Taksiile ka ahaa Dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in uu taageero u fidin jiray Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, waxaa sidoo kale loo heestaa in uu qori jiray dhalinyaro Al-Shabaab ku biirta.
Liibaan Xaaji Maxamed, oo ahaa Taksiile si weyn looga yaqaanay Gobolka Virginia, ayaa la sheegay in uu qorsheenayay in uu weeraro ka fuliyo gudaha Dalka Mareykanka, waxa ayna Dowlada Mareykanka madaxiisa dul dhigtay 50-oo Dollar oo la siinayo cidii xogtiisa keenta ninkan.
Saraakiil katirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in ay Dowlada Soomaaliya kala hadlayaan kiiska ninkan ay baadi goobka ugu jireen, waxa ayna qorsheenayaan in Mareykanka la geeyo si loogu qaado dacwadaha loo heesto.