Munaasabad ay kasoo qayb galeen Raiisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, Madaxa Hanti dhowrka dowladda Nuur Faarax Jaamac iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamuud Cabdikariim Gabayre oo lagu-la kala wareegayay dhowr wasaaradood oo katirsan dowladda ayaa Maantay ka dhacday Magaaladda Muqdisho.
Ugu horayn Wasiirka cusub ee howlaha guud iyo kalluumeysiga ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta xilalka wasaaradaha la wareegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Wasiirka cusub ee howlaha guud iyo dib u dhiska Saalax Sheekh Cismaan Muuse, ayaa xilka wasaaradda kala wareegay wasiirkii hore Nadiifo Maxamed Cismaan, iyadoo xafladda xil wareejinta ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka tirsan labada gole iyo shaqaalaha wasaaradda.
Nadiifo Maxamed Cismaan, ayaa sheegtay in waxyaabo badan oo dib u dhiska iyo dardargelinta howlaha wasaaradda ay kamid yihiin ay u qabsoomeen muddadii ay xilka heysay, waxayna howl-wadeennada wasaaradda howlaha guud kula dardaarantay in ay wasiirka xilka qabtay la shaqeeyaan.
Wasiir Saalax Sheekh Cismaan, ayaa isna ballanqaaday in uu horay u sii wadi doono howlaha qaran ee horyalla wasaaradda.
Isla dhanka kalana, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow ayaa ka sheekeeyay Waxyaabihii u qabsoomay, isagoo howlwadeenada ka codsaday in ay la shaqeeyaan Wasiirka cusub.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa xukumada soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in uu howsha halkiisa ka sii wadi doono, isla markaana uu balanqaadayo in uu dadaal badan ku bixinayo sidii loo hormarinlaha xoolaha dalkeena somaaliyeed.
Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee xukuumada Soomaaliya ayaa looga fadhiya sidii ay uu kobcinlaheed iib-geyta Suuqyada caalamanka xoolaha Soomaaliya.
Geesta kale, Wasiirka loo soo magacaabay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Soomaaliya, Maxamed Cumar Caymooy ayaa xilka kala wareegay Cabdicasiis Lafta-gareeyn oo ahaa ku simihii wasaaradda, ahaana wasiir ku xigeen.
Lafta-gareeyn ayaa sheegay in intii ay xil hayeen ay ku guuleysteen sameynta sharciga kalluumeysiga iyo kheyraadka dalka, ayna bilaabeen dhismaha gurigii wasaaradda, haatanna dhismaheedu uu socdo si ay wasaaraddu ugu shaqeyso xafiisyo ay leedahay.
Maxamed Cumar Caymooy, wasiirka cusub ee wasaaradda kalluumeysiga ayaa isna muujiyey sida ay ugu heelan yihiin in isbeddel ay ku sameeyaan howlaha wasaaradda.
Halkaan Ka Dhageyso Qaar kamid Ah Khudbadihii Laga Jeediyay munaasabadihii Xil wareejinta:::
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA XIL WAREEJINTA MAANTAY KA DHACDAY MUQDISHO: