(Sawirro) Ganacsatada Columbus oo casho xog waraysi ah la qaatay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland.

0

Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Colmubus Ohio ee dalka Maraykanka ayaa casho xog waran ah la qaatay wasiiru dowlaha xaafiska madaxtooyada puntland ahna wasiirka xiriirka gobolada Dr. Bashiir C/rixman X.Gurxan.

Kulankan waxa ay ganacsatadii ka hadashay, ku soo dhaweeyeen wasiirka oo ka mid ahaa jaaliyada gobolka Ohio, isla markaana ka mid noqday maamulka puntland ee uu madaxweynaha kayahay Dr. C/wali gaas.

Waxay ka bogaadiyeen howlaha maamulkaasi, iyo sida loogu baahanyahay in maamulada dalka ay wax weyn ka qabtaan dhanka is dhexgalka bulshada, iyo sidii loo heli lahaa qaran xoogan oo shacabkiisa ku tiirsan.

Warbixin dheer oo uu Wasiirku soo bandhigay waxa uu kaga sheekeeyay xaalada deegaanada Puntland iyo mudadii uu madaxweyne Gaas xilaka qabtay waxa is badalay, waxa uu sida oo kale warbixin ka bixiyay xaalada deegaanka Saaxo oo ah deegaan dhawaan dagaalo ka dhaceen, iyo in iminka horumar laga sameeyay isla markaana laga hirgaliyay ceelasha biyaha, isgaarsiin, xabsiga, iyo waxyaabo badan.

Waxa wasiirku uu ka codsaday ganacsatada Soomaaliyeed ee Columbus in ay u istaagaan horumarinta deegaamadii ay ka yimaadeen, isla markaana ay abuuraan fursado wax ku ool ah iyaga oo kaashanaya maamulada jira.

Dr. Bashiir waxa uu ka dhawaajiyay, in madaxweyne Gaas uu balanqaaday dhaqaalo xoogan in uu ku bixinayo Jaamacada Galgaduud University ee magalada Caabudwaaq arintaasna laga dhabayn doono dhawaan.

Xogwaraysi iyo isdhaafsi xaalada dalka kadib waxaa lagu balamay dhisida Gudi aqoonyahano, Ganacsato, iyo Siyaasiyiin isugu jira oo ka howlgala sidii gnacsatadu uga howlgali lahayeen deegaano badan oo ku yaala Konfurta, Bartamaha  iyo sidoo kale gobolada Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawiradda:


IMG_0123 IMG_0127 IMG_0131 IMG_1550 IMG_1551 IMG_1552 IMG_1554 IMG_1557 IMG_1558 IMG_1559 IMG_1560 IMG_1562 IMG_1568 IMG_1580 IMG_1585 IMG_1592 IMG_1602 IMG_1608 IMG_1611 IMG_1621 IMG_1655 IMG_1667 IMG_1677 IMG_1702