(Dhageyso) Shacabka Jowhar Oo Loo Dhisayo Goobo Ay Ku Shiraan.

0

Maamulka degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in la dhisayo Laba Hool oo ah kuwa shirarka, kuwaasi oo loogu tala galay in ay ku shiraan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar.

Xasan Barrow Bocor oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay  in dhismaha Hoolalkaan ay wax badan ka qaban doonaan wada tashiyada shacabka, islamarkaana dhawaan lasoo gaba gabeyn doono.

Waxa uu tilmaamay gudoomiye ku xigeenka in dhismaha Hoolalkani laga dhisayo xaafadda Kulmise ee Jowhar ayna dhisayso hay’adda DRC.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmada Jowhar in ay ka feejignaadaan dabaylaha xilligaan jira oo sababi kara in dab uu kaco.

Halkaan Hoose ka dhageyso: