(Dhageyso) Puntland oo xukun dil ah ku riday afar nin oo Al-Shabab ka tirsan.

0

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida iyo dambiyadda culus ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday afar nin oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin xoogaga Al-Shabab ee Somaliya, ka dib markii ay maxkamadda Ciidanka ka hor qirteen dambiyadda lagu soo eedeeyay.

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamaddaasi oo la yiraahdo Cabdikariin Xassan Firdhiye ayaa Radio Garowe u sheegay maxkamaddu sidoo kale inay xabsi daa’in ku riday labo dhalinyaro ah oo qirtay dambiga lagu soo oogay, kaasoo ahaa inay Al-Shabab ka tirsan yihiin.

Fardhiye waxa uu sheegay labo wiil oo da’doodu tahay 17- iyo 18 lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 10 iyo 15-sano, maadama ay da’yar yihiin.

Xubnahan la xukumay ayay maxkamaddu sheegtay inay dagaalo kala duwan kasoo galeen koonfurta Soomaaliya, hase yeeshee markii ay ciidanku gacanta ku dhigeen aysan wax howlgalo ah faraha kula jirin.

Xukunkan ayaa ka dhacay maanta oo Axad maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee magalada Bosaso sida uu sheegay Cabdikariin Xassan Firdhiye.

Halkan hoose ka dhagayso xukunka maxkamadda.