(Dhageyso) Maamulka Puntland oo Sharci Cusub Kasoo Saaraya Shaqaalaha Ajnabiga ah.

0

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa sheegey in maamulka iyo wasaaradiisa ay ku dadaalayso sidii loo dadajin lahaa sharci xakamaynaya shaqaalaha ajaaniibta.

Isaga oo maanta ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jabinayeen dad bartay culuumta injineeriyadda ayuu yiri “waxaan awoodnaa in la dhaqangaliyo, sharciga shaqaalaha rayidka ah, gaar ahaan kuwa ajnabiga ah,waxaa wanaag noo ah in waxa aad idinka qaban kartaan qabanaya in aanan dalka la keenin”.

Wuxuu sheegey in sharcigani uu muhiim u yahay kobaca dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurista, isaga oo intaasi ku daray in ay qalad tahay in shaqooyinka ay qaban karaan dadka muwaadhiniinta ah in la siiyo dad ajaaniib ah.

Hoos ka dhageyso: