Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beyloot) ayaa ka sheekeeyay taariikhda Ciidanka Cirka iyo marxaladihii uu soo maray iyo sida hadda uu yahay wuxuuna uu hoosta ka xariiqay in ciidanka cirka uu u baahan yahay dib u dhis xoog leh taasi uu sheegay in marnaba aan riyo lagu dhisi Karin laakiin loo baahan yahay dadaal xoog leh.
Asagoo Guud Ahaan Dhinacyadda Somalida Ka Codsaday Ka Qeybgalka Ciidanka Cirka Ee Somaliya Oo Aan Sahal Lagu Dhisikarin.
Hadalkan Ayuu ka Sheegay Xilli Shalay Magaaladda Muqdisho laga Xusay Maalinta Ciidanka Cirka Ee Somaliyeeed.