(Dhageyso) Dagaal ka dhacay Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Baay.

0

Wararka ka imaanaya  Gobolka Baay,gaar ahaan Degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dagaalka ayaa ka dhacay Duleedka Degmada Buurhakaba,iyadoona Dagaalka uu yimid ka gadaal markii Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM oo ka tagay Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ku siijeeda Baydhabo ay Al-shabaab Jidka u galeen.

Taliyaha Ciidamada Aaga Deynuunaay ee Dowladda Soomaaliya Xuseen Nuur Ibraahin ayaa sheegay in Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday ay ka dileen Labo kamid ah Dagaalameyaasha u dagaalama.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Deynuunaay ayaa intaa ku daray in Al-shabaab lagu jabiyay  Dagaalka,inkastoo Al-shabaab aysan wali ka hadlin.