War Cusub:- Ciidan lagu diyaarinaayo Magaalada Muqdisho oo loo wado Magaalada Guriceel, si ay ammaanka kaga shaqeeyaan.

0

Taliska Ciidanka Booliska ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu ku hawlan yahay sidii Xarunta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ee Magaalada Guriceel uu u gaarsiin lahaa ciidan lagu diyaarinaayo Magaalada Muqdisho.

Ciidankaan oo lagu sheegay inay ka tirsan Booliska Dowladda Somaliya, ayaa waxaa muddooyinkaan dambe lagu diyaarinaayay Magaalada Muqdisho, si loogu qaado Magaalada Guriceel.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Galgaduud Faarax Warsame Cilmi, ayaa sheegaaya in Ciidamadaan Booliska yihiin, kuwo loogu talla galay inay ka shaqeeyaan xasiloonida Magaalada Guriceel.

Taliyaha, ayaa meesha ka saaray Ciidamadaan Booliska inay shaqo iyo shuqulba ku lee yihiin labada garab, ee xilligaan ku hardamaaya gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Isagoo laga maqlaayay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu dhinacyada isku haaya Magaalada Guriceel uu ugu yeeray inay baneeyaan Xarumaha Boolisku, uu ku lee yahay Magaaladaasi iyo weliba Garoonka Guriceel.

Sidoo kale waxa uu ka digay inay sii wadaan dagaalka aan ujeedadiisa la aqoon, ee toddobaadkii hore ka soo cusboonaaday Xarunta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Dadka qaarkii, ayaa su’aal ka keenay waxa xilligaan loogu soo beegay Booliska lagu wado in la geeyo Magaalada Guriceel.