(Sawirro+Dhageyso) Waftigii ugu ballaarnaa oo beesha Sade ah oo gaarey magaalada Garbahaarey iyo Shirkii midnimo 2 oo dhawaan furmaya.

0

Waftigii ugu  ballaarnaa oo kamid ah waxgaradka beesha Sade ayaa maanta oo Sabti ah oo ku beegan 14.2.2014 waxaa uu gaarey magaalada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, kaasoo kasoo duuley magaalada Muqdisho.

Watigaan ayaa ka koobnaa siyaasiyiin, aqoon-yahanno, cuqey, nabaddoonno, culummaa’uddiin iyo qayba kale oo waxgarad ah, kuwaasoo  oo miisaan culus ku dhex leh beel-weynta Sade.

Waxaa waftigaan ballaaran uu qayb ka noqon doonaa Ergada tirada badan ee ka qayb-galeysa shirwenaha midnimo 2 ee lagu wado inuu ka furmo, isla magaaladaas Garbahaarey, kaasoo maalmahaanba la sugayey.

Boqolaal shacabka reer Garbahaarey ah oo ruxaya caleemo qoyan ayaa waftigaan si diiran ugu soo dhaweeyey gudaha magaalada garbahaarey, kuwaasoo ku dhawaaqayey hal-kudhegyo ay ku taageerayaan shirweynaha midnimo 2.

Waxaa asbuucaan gudihiisa la filayaa inuu si dhab ah u furmo shirweynihii Midnimo 2 ee maalmahaanba loo dheg-taagayey, sidaa awgeed ayaa isla asbuucaan waxaa magaalada Garbahaarey gaari doono, ergadii ugu dambeysey ee ka qeyb-geleysa shirweynaha.

Waftiga maanta gaarey magaalada Garbahaarey ayaa sida la xaqiijiyey ama aad sawirradaba ka dheehan kartaan waxaa lagu tilmaamey inay ahaayeen xubnihii ugu mihiimsanaa ee Ergada ka qaybgaleysa Shirweynaha midnimo 2.

Ugu dambeyn waftigaan ballaaran oo aad maqsuud oga ah soo dhaweynta ballaaran ee ay kala kulmeen magaalada Garbahaarey, isla markaana aad ugu faraxsan safarkooda ayaa loo soo galbiyey guryaha martida ee loogu talagaley Ergada tirade badan ee ka qayb galeysa Shirweynaha midnimo 2.

Goor dhow Fillo Wareysi Ku Saabsan Arintaas.

By: Daahir. F. Afdheere

Email. owsame 1@yahoo.com

Hoos ka daawo sawiradda:

0 2 3 4 5 6 8 9 11 12 13 14 15 16 aaaaaaaa_1