(Dhageyso) Xasan Sheikh Maxamuud Oo Ka waramay Xaaladiisa Caafimaad.

0

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aanay jirin cid ka saraysa sharciga, oo qofkii musuqmaasuq sameeya ee hanti dhaca la marsiin doono waxa uu qaanuunku qabo.

Wuxuu kaloo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Guriceel oo ciddii wax tirsanaysa ay ka qaybgasho wadahadalada Nabadda ee ka socda magaalada Dhuusamareeb. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jirtay hadal hayn ku saabsan caafimaadka madaxwaynaha iyo ujeedka uu u tagay dalka Germany.

Madaxwaynaha, ayaa kaga hadlaya waraysiga arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha maamul goboleedyada.

Si aan u ogaanno ayaa Cabdiraxmaan Koronto uu waydiiyay Madaxwaynaha sababta uu u tagay Jarmalka Madaxwaynaha, ayaa u waramayay Cabdiraxmaan Koronto oo marka hore waydiiyay in Golaha Wasiirada cusub ee baarlamaanku ansixiyay uu yahay kii sadexaad ee ra’iisul wasaaruhu soo dhiso kadib markii ay soo baxeen cabashooyin, ka horna uu jiray is qabqabsi hogaanka dalka ah oo hareeyay habsami u socodka howlaha xukuumadda, sida looga baaqsan karo isqabqabsi kale xilliga ka dhiman hiigsiga 2016?

Xigasho BBC Somali.

Hoos Ka Dhageyso Codka: